“DAAWO SAWIRRADA”Xasuuqii 17 July 1989-kii xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho ee lagu gumaadey dad shicib ah oo ka soo jeeda beesha Isaaq.

Published on June 1, 2012 by   ·   9 Comments

Kuala lam-pour   Jubba24:-

Xilli ay taariikhdu ahayd 17 July 1989 kii, ayaa waxa lagu gumaaday qayb kamid ah dadka Soomaaliyeed dhalasho ahaana ka soo jeeda qabiilka isaaq, gumaadkaas oo ay geesteen dad aan diin iyo dhaqan toona lahayn oo maamulayay Qaybtii 77 ee saldhigeeduna ahaa magaalada muqdisho taasi oo ay taliye nimadeedu isaga danbeeyeen Cabdicasiis Mohamed Xaashi oo loo yaqaan “Cabdicasiis Dabadheere” iyo Cabdulqadir Sheikh Cali Diini ragas oo hadda ku kala sugan dabadheere waxaa uu jooga kuna raaxaysanaya magaalada addis ababa ee xarunta dalka itoobiya asaga oo ka wada dhibaatayn dadka shacabka soomaaliyeed.

Ciidamadii duubcasta ayaa bilaaby maalin ay axadi ay soo galaysay taariikhduna ku beegnayd 17 July 1989 kii inay guluf iyo weerar ku qaadaan degmooyin ka tirsanaa magaalada Muqdisho ( madiina iyo Hodan) oo ay deganaayeen dad soomaali ah lagana dhexgoobtay beesha isaaq.

Ujeedada hawlgalku wuxuu ahaa fal waxashnimo ah oo ummadda soomaaliyeed lagu kala fogaynayay. Waxaana Cabdicasiis Mohamed Xaashi “Dabadheere” ku amray Duubcasta in ay gumaadan dadka shacabka ah.

Waxaana lasoo ururshay 54 qof oo ka tirsan gidddigood qabiilka Isaaqa, waxaana dadkaasi la geeyey xeebta jasiira, markaasaa inta shan shan laysugu xidh xidhay baa qoriga boobaha ah ee Baroonka loo yaqaan lagu furay, Waxaana halkaas ku nafwaayey 46 miskiin oo aan waxba galabsan laguna dilay oo qudha qabiilka ay yihiin.

Waxaase mucjiso noqotay 54 kii qof mid kamida makrii ilaahy ka badbaadiyey xasuuqa foosha xun nin dhalinyaro ah oo la yidhaado Muuse Cumar Mire(Cawil ) oo daaha ka feyday gumaadkaas waxshinimada leh iyo siduu u dhacayba.

Warkan oo argagax ku noqday muqdisho iyo soomaaliya guud ahaanba gaarahaana dadka wanaaga jecel.

Waxa nasiibdarro ah in dadkii dhibkaas gaystay xorriyad ku dhex marayaan caalamka ayaga oo 47 qof ku dilay sabab la,aan, Dhiigyo cabyahan waxay kala joogan Cabdicasiis maxamed Xaashi iyo Cabdulqadir Sheikh Cali Diini iyo rag kale oo aan soo tabindoono qoraalada danbe.

Haddaba waxaa jira in wali ay joogaan rag kale oo gumaaday dad aan waxba galabsan kuwaa oo mararka qaar dadka u isticmaala waxa loo yaqaan New Police oo haatan ka shaqeeya dalka itoobiya, waxaana caddeyn na soo gaartay aanu ku haynaa in C/qani Sh. Cali Diini uu iminka lacagu ku aruurinayo dalka Maraykanka taa oo uu ku doonayo in uu ku caawiyo kooxaha calankoodu sii dhacayo ee Al-Shabaab.

C/Qano oo inimka xaaladdiisu ay marayo meel aad u xun kadib markii ay soo bexeen fadeexado uu ku dhacay dad ay xidid yihin ayaa iminka doonayo in uu sumcad iyo sharaf ka raadsado saaxiibadii Ibraahim Afqaan iyo kooxaha kale ee Argagixisada xiriirka laleh.

Faah faahinno kale filo dhawaan haddii uu Alle raalli ka noqdo
Halkaan ka aqri magacyada marxuumyadii xaqdarada lagu dilay iyo jifooyinkii ay kala ahaayeen.

Waxaa jira nin kale oo isaguna u adeega raggan asagoo ka faafiyo wax aanay ahayn iyo in uu qariyo dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan waxaana ninkaa aan hore uga baahinnay Asaga oo Aflagaadeynayo rasuulkeena Maxamed (NNKH)

Ninkaa isaga ah waxaa lagu magacaabaa Nuur C/qaadir “Nuur Adduunyo” waxaa uu dhawaan ka qayb galy oo uu kusuganyahay dalka turkiga halkaa oo uu u aaday in dad uu ka xado baasaboorrada iyo dukumiindiyada kale oo uu falalkaas ku caanbaxay Nuur Addunyo

 

Akhristow xusuusnow waxaan kuu haynaa waraysi lala yeeshay Cumur Muuse oo kamid ah dadkii bad-baaday

 ARAB
1.hassan Abdi Muhumed                         -  Businessman.
2.Matan Abdi Habashi                              – Student
3.Fuad Abdillahi Ibrahim                    
                    GARXAJIS (Habar Yoonis)

 

1.Ibrahim Hasan Gelle                           -   US-OMC-somalia
2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie                   -   Besinessman
3. Mohamed Ismail Ahmed                    -   BUSINESSMAN
4.Yusuf Mohame Handulle                     -   USAID
5.Abiwahab Farah Ahmed                     – Student
6.Mohamed Mohamud Abdi                   -  Businessman
7.Hassan Aw Nur Barud                          -  Businessman
8.Abdi Osman Dubad                              -  Trader
9.Mohamed Musa Mohamed                  -  Trader
10.Mohamoud Bacadle                           -   Civil servent
11.Daud SH. Ibrahim 
12.Farah Ismail Awale                             -  Student
13.Dahir Mohamed Jama Warfaa         -  Trader
14.Dayib Abdi Burale                              -  Trader
                       GARXAJIS (Ciidagale)
1.Husein Omar Husein                             – Trader
2.Saeed Mohamed Mumin                      -    Ass.pro.Lafole S.N.U
3.Musa Abdi Gaas                                    -    Businessman
4.Abdi Barre Osman                                 -   Graduate.
5.Barre Osman Abdi                                 -   Trader
6.Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale)   -   Trader
7.Yusuf Abdillahi Roble                         

    -   Graduate Dr.
               HABAR JECLO
1.Hussein Ali Aden                                    -   Businessman
2.Saeed Nur Musa                                     -  Businesman
3.Abdirahman Mohamed Bihi                   -  Businessman
4.Abdifatah Ahmed Jiir                              -  Student
5.Ali Mohamed Dirie                                  -  C.Serv
6.Jama Aden (barosin)                              -  Civil servent
7.Hussein Kheyre Abdi
              HABAR AWAL
1.Ali Mohamed Abdi                                  -  Student
2.Abdi Mohamed Abdi                              -  Technician
3.Ahmed Yassin Omar Jama                    -  Businessman
4.Mohamed Abdi Hassan                          -  Businessman
5.Ibrahim Hassan Ege                                -  Technician
6.Abdi Muhumed Daud                               -  Businessman
7.Jama Mohamed Abdi                              -  Trader
8.Ahmed Hassan Elmi(Dheereeye)           – Sportsman
9.Rashid Mohamed Osman 
10.Mohamed-Bashe Abdillahi Hebaan              -  Trader
11.Abdirahman Ahmed Dhimbil                         -  Civil servent
12.Hussein Muhumed Farah                               -  Civil servent
13.Abdirahman Mohamed Osman(beledi)       -  Trader
14.Abdirizaq Aydiid Mohamed                          -   Student
15.Hussein Osman Jama                                   -  Student
16.Khadar Mohamed Ahmed                             -  Student
17.Bihi Ibrahim Ahmed                                       -  Student
18.Hassan Nur Hersi                                          -  Student
19.Abokor Mohamed Yousuf                            -  Trader
20.Hassan Guure Abdi                                      -  Trader
21.Khadar nuur Jama                                        -  Trader
22.Ahmed Yusuf Ibrahim                                   -  Trader
23.Mohamed Osman Jama                              -  Trader

Maxamed-Nuur Cali Axmed

Kuala lam-pour- Malaysia 

Jubba24

Waxaa Akhrisay 53649

Readers Comments (9)

  1. Abdi Osman says:

    waxan ka xumahay in arimuhu halkaan gaaran waxan waxaa ka danbeeyay nuur calooleey iyo mowliid mana fiicna in dadka oo dhan ay wada halaaban.
    haddii carabeey, dhagawayne, bihi iyo ahmed daahir wax laga qoray yaan dadka oo dhan la qorin ee talo ahaan ha la joojiyo ayaan oran lahaa qoraaladan wixii horena ha la iska iloobo.

  2. Caraweelo says:

    waxaan garanwaayay waxa reer dalal ay isaaq ka rabaan waa mar ay gabdhahooda caayan iyo mar ay ragooda warjeefaan.
    waxase taa ka sii daran oo qofwaliba la yaaban yahay nin ay dadka sokeeya wax ka qoraan ayaga oo intaan oo xog ah laga hayo.
    soomaalidu waxay ku maahmaahda cagtii joogsanwayda mar bay ceeb la kulanta.
    waxan shaki iiga jirin webkan in ay bahxawaadle leedahay gaar ahaan reer siyad iyo reer warsame suashse waxay tahay reer dalal kaliya wax idinkama qorijirine maad qortaan reer siyaadka dhinkoodhan kiciyay oo reer dalal dabada ka taaqna.
    eexdu ma fiicna…..

  3. biibaaye says:

    walee reer dalal birta laga aslay

  4. Daahir Faarax Afdheere says:

    Labada Dhinac ee is haysato waxaan leeyahay war ilaahay ka baqa iskuna xishooda! waxaan in mudda ah aqrinayay Allgalgaduud wax aad u xun ayay sameeyeen oo lagu kala dhinto! waxaase isku fuuqsadey waxa maanta halkaan ku qoran ugu dambeyntii waxaan af buuxa ku leeyahay labadiina dhinacba EDABTAA IDINKU YAR IYO MAREEXAANIBADABA!

  5. Waar iska ilaawa wixii muuqdisho kadhacay ee maxaa hargeisa kadhacay ma ogtiin waxa la gumaaday boqolaal isaaqa

  6. hargeysaawi says:

    abdi osman ninka la yidhaahdo aad ayaan ula yaabay waar haduu denbi dhaco denbigaa waa inay cidi qaadataa afkaaga waxaad ku tidhi hala iska ilaabo dadkaa dadkaasi ma xayawaanbay ahaayeen miyaanay dad kula mid ah ahayn mida kale kuwaas arinkooda hadii la ilaabo kuwa soo socdana ma hala ilaawo ayay iyagana noqonaysaa dadku xayawaan maaha ilaahay ayaa karaameeyay inta somalia ay beenta isu sheegayso oo ay dadka u haystaan xashiish oo ay leeyihiin hala iska iloobo anagu hadaanu somaliland nahay dadka xayawaan uma naqaano hal qof hadii la dilo ninkii dilay waa in la helaa waa sababta ay masiibadu idiinku dhacday waa sababta aad u sharaf dhacdeen waa sababta aad isu cunteen waa sababta intaad guryaha isugu dhacdaa ku hor kufsataan ninkii gabadha qabay isagoo maqlaya ama arkaaya hadaydaan dadka qiimayn duligaas ayaa ku jiraysaan anagana hafilanina inaanu dib xamar ugu soo noqono xataa riyo haku riyoonina anagu go aan ayaanu ka gaadhnay dadkayaga dib loo xasuuqi maayo

  7. Marka koowaad aad baan uga xumahay xasuuqii walaalaheena isaaq taasina waxaan kabixinaynaa tacsi mida labaad walaaleheen isaaq waxaan leeyahay walaalayaal hadaan lakala roonaan roob ma da o ee walaalayaal dalka hanaga kala goynina ee qaata nabada waan ognahay waxa uu idiin gaystay siyaad barre cidna kama qarsoona waad ogtihiin sida uu uxasuuqay beesha saleebaan oo hada ku ab tirsata ximan iyo xeeb walaale waxaasna waa la ilaawaa ee iska ilaawa waxaana idinka codsanaynaa inaad midnimada qaadataan

  8. article says:

    Asking questions are really pleasant thing if you are not understanding something fully, but this piece of writing provides fastidious understanding
    even.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Warar

A Million Shillings- Escape from Somalia

Ciidamada Badda Talyaaniga oo Badbaadiyay Tahriibayaashii ugu badanaa.

April 3, 2014
Tahriibayaal Soomaali u badan oo laga bad baadiyay ...
ifui

Shirkii Midowga Yurub iyo Madaxda Afrika oo la isla gartay in Ciidamada AMISOM Taageero dheeraad ah la siiyo.

April 3, 2014
Kulan ay ka qeyb galeen in ka badan ...
ssssssssss

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiye Kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka oo gaaray magaalada kambala + sawiro

March 11, 2014
Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka ...
bbbbb

War Deg Deg: ah Ciidamada Dawlada iyo kuwa ithopia oo lawareegay Degmada Buurdhuubo

March 9, 2014
Wararka aan ka heleyno Degmada Buurdhuubo ee Gobolka ...
2

sargaal katirsan ciidama Dawlada oo xaqiijiyay inay isaga baxeen xoogaga shabaab degmada Buurdhubo ee gobolka Gedo

March 9, 2014
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya ...
.