Wargays laga leeyahay dalka Qadar ayaa saaka boggiisa hore ku soo daabacay gabar Soomaaliyeed oo daggan magaalada Dooxa ee xarunta dalkaasi in ay calanka Somalia ka dhigatay meherkeeda kadib markii uu soo doonay nin u dhashay dalkaasi Qadar.
Wargayska ayaa daabacay in gabadhu ay diiday malaayiin lacag ah oo uu u soo bandhigay ninka soo doonay waxaana ay ku xirtay in uu keeno calanka Somalia kadibna lagu mehrinayo, balse inta ka horreysa aanay is arkayn.
gabadha Soomaaliyeed ee sheegatay calankeeda oo lagu magacaabo Ubax Cabdi Salaad ayaa sidoo kale ka dalbatay ninka guursanayo in fadhiga gurigeeda yaalla lagu sharroxo calanka wadankeeda Somalia, qaybna uu ka noqdo alaabta arooska ee yaalla gurigeeda.
Aabaha dhalay wiilka gabadha loo doonayo oo lagu magacaabo Mansuuri Cabdi rabbi ayaa sheegay in layaab ay tahay qof maanta lacag diiday oo doortay calanka wadankiisa, waxaana uu ballan qaaday in guriggeeda oo dhan uu ku sharrixi doono calankla Somalia.
Arrintan ayay ka yaabisay dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qadar, waxaana ay noqotay arrin laga sheehaysto marka la isugu yimaado goobaha maqaaxiyaha iyo waxa lamid ka ah.
Waxaase ka siidaran qof kasta oo u dhashay dalka Qadar waxaa uu leeyahay sidee aya ku dhacday Arrintan.
Jubba24
waa arin lalayabo in gabar ey sameyso arin maher ah calankeeda kadhigato meherkeeda hase ahaatee waxa isweydiin mudan maxey diinta islamka kaqabtaa arintan weydiii culimada agtada jogto
k.k.k.k.k. Waa wadaniyad
Arintaan ay sameesay Ubax, waa arin lagu farxo, runtii walaashay ubax waxaan ugu doceynayaa Cimri dheer iyo cafimaad qab,
wax lalaayabo ma aha waayo gabartan waa qof wadan keeda jecel iyo calaankeeda somaliyeed marka waan u tahniyadaynaya waa wax macquul
K.k.k.k ubax waa gabar mudan duco waxayna sharaftay dalkeeda palsa waxa kadaran koba dalka ay ayaan sharafta bur burinayo nacalad haku dhacdee
waaaaaaaaaaaw wadaniyad iga dheh baal wanaagsan taariikhda soomaliya ka gashay
Waaaaaw wa doqon ku ciyarty sharafteda may ka dhigato kitab quran ah wa ayada marada la aaaaa daye
Waa arrin la yaamba walala ee fakiin wax ka dhiibta walal