Kulan ay isugu yimaadeen waxgaraddka, odayaasha iyo culuma’uddiinka beesha Reer-Warsame oo ka dhacay gobolka Galgaduud ayay kulankaas maanta ku iclaamiyeen in beeshu ay kalsoonidii ugaasnimo kala laabtay Ciise Ugaas C/dille, kadib markii wakiilkiisa Axmed Barre Cali (Taakooy) uu si bareer ah u musuqmaasuqay kuraastii Beesha Sade Bari. Taasi waxay keentay in Beelo badan oo reer Sade Bari ah ay waayaan kuraastii ay xaqa u lahayeen.
Shirku wuxuu yimid markii beeshu xubinnimadii baarlamaaniga dowladda cusub ay ku lahayd loo weeciyay gobolka Gedo. Waxayna eedda arrintaas beesha Reer Warsamne dusha u saareen hogaanka dhaqanka ee beesha Sade Bari kaas oo aan caddaalad ku maamuling howshii loo igmaday.
Beeshu waxay si guud u qabanqaabinaysaa shir ballaaran oo ka dhici doona gobolka Galgaduud oo lagaga tashan doono hoggaanka dhaqanka ee beelaha Sade-Bari. Waxay beeshu haatan ka shiraysaa qaabkii shirkaas lagu qaban lahaa, madasha iyo waqtiga ku haboon ee laqabanayo shirka. Ujeeddada shirkaas oo ah in Beesha Sade Bari ay doorato hogaan dhaqan oo lagu mideysan yahay oo laga soo doorto ciddii Sade-Bari ku heshiiso iyadoo aan cid gaar ah aysan is xijineyn.
Waxaa haatan socda shirar ay yeelanayaan waxgaradka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo odayaasha beesha reer Warsame oo ka dhacaya dalka gudihiisa iyo dibadiisa.
Waxaa warsaxaafadedkan ku saxiixan.
1-Nabaddoon Xaashi Abdille Dulyar.
2- Nabaddoon Xassan Nuur Xaashi Jucuur.
3- Nabaddoon Xassan Dhoof Maxamed Ali-waal.
4- Nabaddoon Cabdi Yuusuf Caynab.
5- Nabaddoon Yuusuf Warsame Ducaale.
6- Nabaddoon Sh. C/llaahi Xalane Af-dhuub.
7- Nabaddoon Ismaaciil Nuur Shire Ducaale.
8- Nabaddoon Gaarane Maxamed Kaahiye.
9- Sulddaan C/Naasir Xassan Dhaale.
10- Nabaddoon Cabdi Xirsi Fuje.
11- Nabaddoon Xaashi Maxamed Raad-haye Nuur.
12- Nabaddoon Dahir Cigaal Bulxan.
13- Nabaddoon C/llaahi Geelle Kaahiye.
14- Nabaddoon, Xassan Fareey Xaashi.
15- Nabaddoon Yaasiin Xuseen Guleed Raan.
16- Nabadoon Dahir Cawil Jaamac Dige.
17- Nabaddoon Inshaar Fille.
18- Nabaddoon Nuur Xirsi Jaamac. (Gacmo-Baasto)